Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo saxiixay Sharciga Hanti-dhowrka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaaliya ku shaqeysa shuruuc iyo xeerar qoran  ayaa saxiixay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.

Sharciga cusub ee Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan.

Sharciga Hantidhowrka Qaranka ayaa waxaa horey u soo ansixiyey golaha wasiirada iyo labada gole ee baarlamanka Soomaaliya, iyadoo saxiixa Madaxweynaha uu ka dhigan yahay inuu dhaqan galay sharcigan.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne dal Afrika ka tirsan soo hogaamiyey 27 sano oo geeriyooday

Caydiid Ali

Faahfaahin: Khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo sii kordhay

admin

Amaro lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---