Allbanaadir.com
NEWS

Shacab isku qoys ah oo lagu xasuuqay duqeyn Sh/hoose

In ka badan 10 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay, duqeymo ka dhacay Tuula u dhaw degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jiray caruur iyo dad kale oo isku qoys ah sida wararku nagu soo gaarayaan.

13 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la geeyay Isbitaalka Soomaali Sudaneys ee magaalada Muqdisho kuwaasoo labo gaari oo caasi ah looga soo qaaday gobolka Sh/hoose.

Dhaawacyada intooda badan ayaa ahaa kuwo halis ah oo ka go’ay xubnaha jirka qaar ka mid ah sida lugaha iyo gacmaha.

Qof ka mid ah dadka dhaawaca ahaa Isbitaalka ayuu ku dhintay,  Mid kalena intii wadada lagu soo jiray ayuu geeriyooday, 4-kale xaaladooda waxaa la sheegay iney u dhexeyso nolol iyo geeri sida ay noo xaqiiijiyeen Shaqaalaha Isbitaalka.

Mid ka mid ah haweenka dhaawaca ah ee la keenay isbitaalka ayaa sheegtay in afar caruur ah oo ay dhashay iyo gabar walaasheed ay ku dhinteen duqeyntaas.

Weerarkan ayaa ka dhacay saaka waaberigii tuulada Balow oo ku dhow degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose markii ay halkaas ay ciidamada DF ku weerareen xoogag taabacsan Al shabaab oo ku sugnaa.

Khasaaraha dadkan ayaa waxaa geystay dayuurad Drones ah oo dagaalka ku soo biirtay markii dambe taasoo gantaalo la dhacday guryo ay degan yihiin shacab u badan beeraley danyar ah oo halkaas ku noolaa.

Dowlada Somalia iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaan illaa hadda ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan dhibaatada xoogan ay ka soo gaartay shacabka.

Related posts

Howlihii Xarunta dembi baarista ee CID oo muddo kooban la hakiyey & Sababta keentay

Caydiid Ali

Guddi baaritaan oo loo saaray Dacwadii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan

Cabdi Cade

Dowlad Afrikan ah oo soo saartay Amar Madaxda looga mamnuucayo in ay safraan

Cabdi Cade