Dayuurad xamuul oo ku dhacday Badda Jamhuuriyada Micronesia (Daawo Sawirro)

Dayuurad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda, diyaaradaas waxaa laga leeyahay dalka Papua New Guinea.

Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahayd iyo 12 ruux oo ka shaqaynaysay diyaaradda duulimaadka ee lambarkeedu ahaa ANG73, midkoodna dhaawac halis ah ma gaarin.

Ma cadda waxa sababay in diyaaraddu dhacdo, balse baaritaan arrintaas ku saabsan ayaa si dhakhso ah loo billaabi doonaa.

Diyaaradda ayaa ka dhacday qaw 160 yaardi u jira waddada ay diyaaraddu ku oroddo ee garoonka ee Chuuk airport.

Diyaaradda ayaa ka duushay jasiiradda Pohnpei ee dalka Micronesia waxayna ku sii jeeday Port Moresby oo ah caasimadda dalka Papua New Guinea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -