Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo war kasoo saaray Baaqii iyo gogoshii Madaxweyne Xasan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay gogoshii uu Madaxweyne Xasan Sheekh u fidiyay siyaasiyiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya, si loogu midoobo loogana arrinsado halista argagaxisada.

Farmaajo , ayaa sheegay in baaqa Madaxweynaha uu yahay tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna. Waxa uuna adkeeyay in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay” ayuu yiri Farmaajo.

Halkan ka akhriso qoraal uu soo saaray Madaxweyne hore Farmaajo

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha dalka Cumaan

Caydiid Ali

Gudoomiye Degmo oo xil ka qaadistiisa ka dhax arkay barta Facebook

Cabdi Cade

Mid kamid ah Fanaaniintii ugu caansanaa Soomaaliya oo goordhaw geeriyootay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---