Axmed Madoobe oo dalab culus u diray madaxda dalka Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shir lagaga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar goynta Xanuunada faafa ee Deeganada xuduudka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkan oo maalmahan kasocday Magaalada Kismaayo ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahayeen badqabka dadka ku nool degaanada Xuduudka iyadoo mashruucan uu hoos tagayo Dowlad Goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland waxaana kor ka maamulaya Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka iyo xiriirka ee Bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal.

Dhamaan Hay’adaha Mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay isagoo sheegay in ay tahay shaqo wakhtigeedi kusoo aaday.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu mahad celin balaadhan u jeediyay Dowlada Kenya oo garab istaagtay dadka Gobolka si gaar ah wuxuu amaanay Ciidamada qaybta ka ah AMISOM ee KDF sidii naf hurka ahayd ee ay ugu soo gurmadeen dadka Soomaaliyeed ugana dulqaadeen wax uu ugu yeeray argagixisada meelo badan inta dhimana uu rajaynayo inay xorayntooda diyaar u yihiin.

Bulshooyinka Xuduudka ku nool ayuu sheegay in dano badan ay ka dhexeeyaan isagoo madaxda Dowlada Kenya ka codasaday inay dib u furaan xuduudka si Noloshu u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaqdhaqaaq u samayn karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -