Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal socda

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in saakay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaanka Nuur-dugle.

Sida aan wararka ku helnay weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib weerar toos ah ciidanka kusoo qaaday rag hubeysan oo xeryaha dhowr jiho kasoo galay.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa hadda ka socda deegaanka Nuur-dugle, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo xooggan ay Al Shabaab geesanayaan.

Waxaa adag in si dhab ah loo ogaado xaalada deegaanka Nuur-dugle iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaankaas, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in deegaanka ku baxeen ciidamo gurmad ah.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo u ambo baxay dalka Jabuuti uu horey u joogay Madaxweyne Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Shiinaha oo jawaab ka bixiyey booqashada wafdiga Somaliland ku tageen Taiwan

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo labo qodob ka dalbaday Xildhibaanada Jubbaland ku metela DF (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---