Shiinaha oo jawaab ka bixiyey booqashada wafdiga Somaliland ku tageen Taiwan

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa jawaab caro leh ka bixiyey booqashada wefdi ka socda Somaliland ay maalintii labaad ku sugan Taiwan, halkaasoo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo cusub

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yiraahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Taiwan ay isku dayday inay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale.”

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dalal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn, waxayna dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna ugaarsanayo xulafadeeda diblomaasiyadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -