Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo loo diray furumaha hore ee Dagaalka oo Muqdisho laga sagootiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka ambabixiyay cutubyo ciidan loo diyaariyay in ay ku biiraan furimaha dagaalka ee lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

Ciidamadan  furimaha dagaalka u baxay ayaa waxaa hogaaminaya qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, waxa ayna ku biiri doonaan ciidamo kale oo furumaha dagaalka Shabeelaha Dhaxe ku sugan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ciidanka uu sagootiyay kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan sifeynta Al Shabaab, isaga oo xusay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha  Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamadan uu Duqa Muqdisho iyo xildhibaannada sagootiyeen ayaa kasoo jeeda beesha Daaúud Abgaal, waxa ayna qeyb ka noqonayaan howlgalka mar kale dib loogu xureynayo deegaannada beeshaasi degto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ay saakay Muqdisho ku laayeen AMISOM oo la diiday in la aaso (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Khiyaano yaab leh oo lagu qaadan jiray Viisaha Turkiga oo la ogaaday iyo saameyn xun oo ka dhalatay

Cabdi Cade

FIFA oo aqoonsatay mid ka mid ah labadii doorasho ee dhowaan ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---