Nin si xeeladeysan ku dhacay lacag Malaayiin Dollar gaareysa oo Xukun yaab leh lagu riday

Maxkamad ku taalla Thailand ayaa nin Turufatoore ah ku xukuntay in ka badan 13,000 kun oo sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu qiyaameeyey kumanaan qof kana dhacay malaayiin dollar.

Pudit Kittithradilok oo 34 jir ah ayaa qirtay inuu dadka ku siri jiray maalgashi been ah, isagoo u sheegi jiray in faa’iido badan helayaan.

Ilaa 40,000 kun oo qof ayuu ka dhaadhiciyey inay lacag gaaraysa 160 Malyan oo Doollar ku darsadaan shirkad been abuur ah oouu sameystay.

Maxkamaddu waxay ku heshay inuu ku lug leeyahay deyn bixin sharci darro ah, iyo 2,653 kiis oo wax is daba marin ah, iyadoo qirashada uu dambiyada qirtay dartood xukunka laga dhimay 6,637 sano iyo lix bilood.

Dacwad oogayaashu waxay maxkamadda u sheegeen in Pudit uu abaabulay seminaarro dadkii ka qayb galay lagu dhiirri galiyey inay maalgelin ku samaystaan ganacsiyo la xiriira dhismaha guryaha, isqurxinta, ganacsiga gaadiidka la isticmaalay allaabaha dibaddaha laga keeno, iyo waxyaabo kale.

Sida uu qoray wargayska Bangkok Post, dadka wax maalgashada waxaa loo ballan qaaday faa’iido badan, iyo lacago dheeraad ah haddii ay xubno cusub keenaan.

Maxkamaddu waxay labadiisa shirkadood middiiba ku ganaaxday 20 Malyan oo Doollar, waxaana isaga iyo shirkadaha lagu amray inay 17 Malyan oo Doollar u celiyaan 2,653 qof oo haybtooda la aqoonsaday.

Waxaa ninkan lagu xiray Bangkok tan iyo bishii Agoosto, waxaana loo diiday inuu damiin dibadda ku joogo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -