Webiga Shabeelle oo mar kale xaalad adag ay soo wajahday (Daawo Sawirro)

Webiga Shabelle oo ka mid ah labada webi ee mara dalkeena Soomaaliya ayaa mar kale waxaa soo wajahay xaalad adag ka dib markii ay ka gureen biyihii.

Meelaha qaar webiga ayaa la sheegayaa in lagu arkayo biyo aad u yar oo aan dhaafsiisneyn cagaha hoostooda, iyadoo meelo kalena uu ka qalalay.

Weriye ku sugan magaalada B/weyne ayaa Allbanaadir.com u sheegay in webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara lagu arkayo biyo aad u hooseeya oo xitaa aan laheyn awood ay ku socdaan.

Magaalada Jowhar dadka ku sugan waxay sheegayaan in webigu uusan wax biyo laheyn dhexdiisana ay ku ciyaaraan caruurta, waxaana melaha qaar ka muuqanaya biyo aan macno laheyn.

Degmada Afgooye wararka ka imanaya iyana waxay sheegayaan in webigu uuba qalalay wax biyo ahna aysan jirin.

Beeraleyda ku tiirsanaa biyaha webigan ayaa la sheegayaa iney soo food saartay xaalad adag iyo walaac ku saabsan in beerahooda ay ka waraab la’aan u baaba’aan.

Sanadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale uu guray webiga Shabelle, isagoo biyo la’aan ahaa muddo saddex bilood ah.

Kanaalo waaweyn oo maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka jeexay labo sano ka hor degaanada hoos taga ayaa loo aaneynayaa in marka webigu biyo yareeyo aysan biyihiisu soo gaarin gudaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -