Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo lagu fuliyay labo nin oo dil u geestay marxuumad Fardowso Warsame Muuse

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saakay dil toogasho ah lagula fuliyay laba nin oo lagu helay in gabar ku dileen degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Raggan xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabayay Cabdirashiid Siciid Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa saakay lagu toogtay fagaare kuyaalla magaalada Boosaasi.

Maxkamadda magaalada Boosaaso ayaa labadan nin ee la toogtay ku heshay in ay dileen marxuumad Fardowso Warsame Muuse, dilkan oo toorey loo adeegsaday ayaa bishii October ee sannadkii 2022 ka dhacay degaanka Ceeldaahir.

Labada xukmane ayaa maxkamaddu sheegtay in ay toorrey ku dileen marxuumadda xilli ay ka furanayeen taleefon sida laga soo xigtay warbixinta waaxda danbi baarista ee C.I.D-da iyo gal-dacwadeedka ay kiiskan ka diyaarisay xeer ilaalinta.

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso tan rafcaanka ayaa isku raacay in dil toogasho ah lagu fuliyo labada xukmane waxaana ugu danbayn la qiyaasay saaka oo Khamiis ah fagaare kuyaalla Boosaaso.

 

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay dalka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo caawa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geestay magaalo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---