Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo soo saaray ammar deg deg ah kaddib Dabaqii xalay soo dumay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday halka uu kuyaallo dhismo dabaq ah oo xalay kusoo dumay suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag, kaa oo dhaliyay khasaaro dhimasho.

Dabaqan soo dumay ayaa ku dul habsaday guri Villa ahaa oo ku hoos yaalay, waxaana mashaqadaasi ku geeriyooday hooyo iyo carrur ay dhashay ,halka dad kale oo qoyskaasi kamid ahaa ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha amniga, waxa uuna amray in si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan waxaa kusoo badanayay dhismooyinka dabaqyada ah, waxaana dhismooyinkan inta badan laguma sameeyo koontarool tayadooda, taa oo keeni karta in ay soo dumaan oo khasaarooyin ka dhashaan.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Saciid Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) Joe Biden oo loo dhaariyey Madaxweynaha 46aad ee dalka Maraykanka

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga dilay weerarkii xalay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---