(Sawirro) Joe Biden oo loo dhaariyey Madaxweynaha 46aad ee dalka Maraykanka

Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.

Biden ayaa waxaa ka hor 12-kii duhurnimo xiliga Maraykanka lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden  ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin Taariikhi ah.

“Dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay, waa maalin taariikhi ah iyo rajadii shacabka Maraykanka oo mar kale soo noolaatay” ayuu yiri Bidem

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu “mar kale bartay in dimoraadiyadda ay tahay wax qaali ah, Riyada cadaaladda hadda iyo kadib dib looma sii dhigi doono,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Biden ayaa u mahad-celiyey kuwii xilka ugu horreeyey ee labada xisbi ee ka qeyb-galay caleemo-saarka. Waxaa ka mid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence, halka madaxweynihii hore Donald Trump uusan ka qeyb-gelin munaasabadda.

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday “midnimo la’aan, nabad ma jirto.”

Waxa uu ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri “hoggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta, Waa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,” isagoo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.

XIGASHO: AP/VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -