Allbanaadir.com
NEWS

Heshiisyo afgarad ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la meel mariyay

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo amray in laga guuro dhul kuyaalla magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo shaacisay in lasoo afjaray Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---