Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo ka baxay magaalooyin iyo deegaanno dhawwaan qabsadeen

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxeen magaalooyin iyo deegaanno ay horey uga qabsadeen kooxda Al Shabaab, xilli dowladda qaaday guluf cusub ay ku dooneyso in dhul hor leh ku qabsadaan.

Sida aan xogo ku helnay ciidanka dowladda ayaa isaga baxay Ceeldheer, Galcad, Masagaway , Bud-bud, Cowsweyne iyo Waxbxo oo dhammaan katirsan gobolka Galgaduud, magaalooyinkan iyo deegaannada ayaa dowladda horey uga saartay Al Shabaab.

Goobahan ciidanka dowladda ka baxeen ayaan jirin wax dagaalo ah oo ka dhacay, waxaana kaliya la sheegay in halkaasi uga baxeen sababo la xariira cabsi soo korortay iyo khilaaf la sheegay in ka dhax jiro taliska ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhigga.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga ayaa si hoose u sheegay in lagu amray in magaalooyinkan iyo deegaannada ay ka saareen Al Shabaab kasoo laabtaan, waxa uuna sargaalka xusay in kaliya looga baxay istaraatiijiyad dagaal.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhawwaan qabsaday degmada Ceelbuur ayaa wali halkaasi ku sugan, waxaana ciidankaasi ay waayeen gurmadyo ay filayeen in ay kaga yimaadaan deegaanno kale oo degmada hoostaga.

Dib u garashada ciidanka dowladda ayaa yimid kaddib markii Al Shabaab weerar culus ay ku dileen askar badan kuna qabsadeen hub iyo gaadiid ku qaadeen saldhig ciidanka ku lahaayeen deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Dhigiisa dalka Luxembourg (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo hal shardi oo adag ku xirtay Itoobiya kahor dhaqan-galka heshiiskii ay gaareen

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo caawa la yeeshay Ammaanka magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade