Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin la shaaciyay in Al Shabaab garab ku siinayaan dagaalka

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo kamid ah Soomaaliya, waxa ayna dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh qaaday howlaglo uu ku doonayo in uu kusoo afjaro Al Shabaab

Howlgalka uu madaxweyne Xasan Sheekh hormuudka u yahay ayaa durba waxaa soo wajahay culueesyo badan , waxaana hadda soo baxaya in ay jiraan dowlado iyo siyaasiyiin fashilinaya howlgalka la doonayo in Al Shabaab dalka looga ciribtiro.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in ay jiraan dowlado shisheeye iyo siyaasiyiin ku daaban oo fashilinaya howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, si ay u fashiliyaam madaxweyne Xasan iyo dowladiisa.

”Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah, si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halk kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Al Shabaab ay laayeen dad Soomaaliyeed oo nuuc kastaba leh, waxa uuna xusay in ay jiraan dad dhibco siyaasadeed ka dhax raadinaya dhibaatada Al Shabaab dadka iyo dalkaba ku heyso.

”Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay. Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadishakuur.

Hadalka kasoo yeeray siyaasigan ayaa imaanaya xilli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh qaaaday guluf dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana durba gulufkaasi hadda bilowday tashwiish ku furay siyaasiyiin iyo dad kale oo doonaya in ay fashiliyaan ayna niyad jabiyaan ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Bambaano oo lagu qaaday guri lagu caweeyo oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Save the Children oo ka qeylisay xukuno adag oo ay riday Maxkamad ku taalla Puntland

Caydiid Ali

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow Magacaabay Ra’isul Wasaare cusub

Caydiid Ali