Allbanaadir.com
NEWS

Cabaas Osman Abshirow oo la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo hubeysan oon heybtooda la garan ayaa xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye ku dilay nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkan aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay ninka la dilay.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabaas Osman Abshirow ayaa la sheegay in uu ahaa nin darawal ah oo ka shaqeeya baabuurta tagaasida ah, waxa ayna dadka yaqaan tilmaameen in uu ahaa nin shacab ah aan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan.

Ciidanka booliiska degmada Afgooye ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidanka sameeyeen baaritaano ku aadan dilkan iyo ciddii ka dambeesay oon wali la aqoonsan goobtana ka baxsatay.

Dilka ninkan loo geestay ayaan sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana aad uga naxay dilka inta badan dadkii ninkaasi yaqaanay ,kuwaa oo tilmaamay in uu ahaa nin wannaagsan oo laga nabad galo.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal loo geestay dad shacab ah ay ku jiraan odayaal, waxaana dilalkaasi qaarkood sheegtay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jadwalka Dhageysiga kiiska Dacwada Badda ee u dhaxeeya Somalia & Kenya oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Xamaas & Israel oo is dhaafsaday Maxaabiis Maalintii u dambeysay xabad joojinta

Caydiid Ali

Weerar Qorsheesan oo ka dhacay Toora Toorow iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---