War cusub oo ka soo kordhay shilkii uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin

Qiimayn hordhac ah oo ay sameeyeen sirdoonka Maraykanku ayay ku sheegeen in shilkii diyaaradeed ee loo malaynayo in lagu dilay hoggaamiyihii kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, inuu ahaa mid uu sababay qarax ula kac ah, xilli Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin uu khamiistii ammaan u jeediyey hoggaamiyaha la dilay.

Qaar ka mida saraakiisha Maraykanka iyo kuwa reer Galbeedka ayaa sheegay in qiimaynta hordhaca ahi ay muujinayso, inay u badan tahay in hoggaamiyaha kooxda Wagner Group in la bartilmaameedsaday. Waxayna qaraxan la xidhiidhiyeen, madaxweyne Putin, “oo caan ku ah inuu aamusiiyo dadka ka soo horjeesta”.

Masuuliyiintan oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, maadaama aanay awood u lahayn inay arrintan ka hadlaan, ayaan faahfaahin intaas ka badan ka bixinin sababaha keenay qaraxa, taasoo loo malaynayo inay sidoo kale ku dhinteen, saraakiil si dhow ula shaqaynaysay Prigozhin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Gen. Pat Ryder ayaa u sheegay warbaahinta, inaanay sax ahayn, in gantaal dhulka laga tuuray uu soo riday diyaaradda, sidoo kale wuxuu ka gaabsaday, inuu ka falceliyo, in Maraykanku uu aaminsan yahay in bam loo adeegsaday shilkan.

- Advertisement -