Daawo Sawirada: Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea oo Damaashaad loo geeyay Xeebta Liido

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay Wehliyaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea ayaa galabta Damaashaad waxa ay u tageen Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dowlada Eritrea iyo wafdiga la socday oo maalintii labaad jooga magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu qancay amaanka magaalada Muqdisho iyo horumarada la taaban karo ee magaalada ka jira.

Ra’isul Wasaare Kheyre , Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Eretrea ayaa ku shaah cabay maqaayad kutaala Xeebta Leedo, waxa ayna masuuliyiintan daqiiqado badan soo qaateen hawada macaan ee Xeebta Liido.

Kheyre ayaa intii uu joogay Xeebta Liido waxa uu waqti la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho oo halkaasi iyana u tagay in ay kusoo damaashaadaan kuna soo nastaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Eritrea ayaa habeenkii labaad waxa uu ku hoyanayaa magaalada Muqdisho, waxaana warar aan helnay sheegayaan in Wasiirka uu horu dhac u yahay Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Eritrea oo Muqdisho kusoo wajahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -