Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal saaka mar kale ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Laascaanood

Dagaal culus ayaa saaka mar kale la soo sheegayaa inuu ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC oo mudooyinkanba isku hor fadhiyey hareeraha magaaladaas.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka saaka ayaa xoogiisa ka socda Bariga magaaladaas, gaar ahaanna aagga Maraaga oo ah wadada isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo bilowday arroortii hore ee Jimcaha maanta salaadii subax ka dib.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la kala qabsaday hub ay ku jiraan taangiyo, waxaana la maqlayaa rasaas kala nooc ah iyo qaraxyo ka dhashay madaafiic culus oo la isku adeegsanayo.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay sida loo fuliyo Weerarada lala beegsado Al Shabaab

Cabdi Cade

Shirkada Twitterka oo Gabi ahaan hawada ka saartay Ciwaankii Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Gedo oo kahor yimid Guddigii uu Ra’isul Wasaare Rooble magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---