Labo Guuto oo kamid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu tilmaamay kuwa ugu liita Ciidanka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa eedeyn xoogan usoo jeediyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa ku tilmaamay kuwa qabyaalad dilootay oon shaqo aan tooda aheyn ku jira labo guuto oo katirsan qeybta 60-aad ee ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlaga magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ciidankan katirsan qeybta 6-aad dhibaato badan ku hayaan shacabka, waxa uuna ku sifeeyay saraakiisha iyo ciidamada guutooyinka 8-aad iyo 6-aad in ay yihiin kuwa ugu liita ciidanka Milatariga.

“Ciidanka Guutada 8aad iyo kuwa 6aad iyo saraakiishooda waa kuwa ugu liita Ciidamada Qaranka,inay wax taraan iska daaye dhibaatada dadka ay ku hayaan ayaa badan,Ciidanka guutada 8aad kuligood waxaa ay ka shaqeynayaan qabiil,subaxdii shaqo aan shaqadiisa aheyn ayay ku mashquulsan yihiin oo dhulal ay dad u cabirayaan,, ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa dhawaan ka qeyb qaatay dagaal beeleedyo iyo dilal ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, waxaana ciidankan la sheegay in aysan u dhaqmin sida ciidan Qaran oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -