Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo qaabilay Maxaabiistii Somaliland soo deysay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabilay maxaabiistii laga soo daayay Somaliland.

Maxaabiista Siciid Deni qaabilay ayaa maamulkiisa iyo maamulka Somaliland, 30-kii April 2025, ay wada gaareen heshiis maxaabiis isweydaarsi, iyadoon cidkale u dhaxeyn, Heshiiskaasi ayaa lagu siidaayey 26 Maxbuus oo labada dhinac ah.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa maxaabiista uu maanta qaabilay ka xaal wareestay marxaladihii iyo xaaladihii adkaa ay la kulmeen intii ay ku jireen xabsiyada maamulka Somaliland.

Maamulada Somaliland iyo Puntland, ayaa dhawaan is dhaafsaday maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran , waxaana heshiiska labada maanul gaareen si weyn usoo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Liiska Xildhibaanada ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka oo la yeerin doono

Cabdi Cade

Wasiir Bayle oo ka hadlay cawaaqibka ka dhalanaya haddii dowlada aysan helin canshuur ku filan

Caydiid Ali

Milateriga Itoobiya oo gaaray hareeraha Magaalada Makelle, digniina soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---