Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga dib loo furayo kulamada Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

Kulan ay iskugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa la sheegay in kulankooda ay kaga arinsadeen howlaha horyaala Xildhibaanada Golaha Shacabka oo haatan fasax ku ku jira.

Guddiga ayaa shaaciyay in kulanka guud ee Golaha Shacabka ay dib u bilaaban doonaan 15-ka bishan, ka dib fasax gaaban oo ay galeen dabayaaqadii bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Baarlamanka Somalia ayaa waxaa hor yaalla ajendayaal iyo hindise sharciyeedyo fara  badan oo sugaya in laga doodo ka dibna la ansixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ku eedeysay Mareykanka iyo Israa’iil Qarax ay ku dhinteen dad ku dhaw 100 qof

Cabdi Cade

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab laga leeyahay UK iyo dab qabsaday

Caydiid Ali

Boqor Charles oo laga helay cudur halis ah iyo shaqadii uu hayay oo hakad galinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---