Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan oo ku xiran Mandheera iyo Dambiga loo heesto oo …

Xildhibaan katirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa habeenkii labaad ku xiran saldhigga magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana xogo cusub kasoo baxayaan sababta ka dambeysa xariga xildhibaanka.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan laga soo xiray boosteejada basaska, waxaana xildhibaanka lagu eedeeyay in uu si been abuur ku qaatay kaarka aqoonisa Kenya ee loo yaqaan kibaandhaha.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalkaasi Kenya Gitari Muchira ayaa sheegay in xildhibaanka lasoo taagi doono maxkamad, waxa uuna xusay in lagu heesto in uu ka been abuuray dhalashadiisa uuna si qaldan ku qaatay kaarka aqoonsiga Kenya.

Xildhibaankan ku xiran magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sidoo kale la sheegay in dalka Kenya si qaldan kusoo galay, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in xildhibaanka dib ugu helo xuriyadiisa.

Sharciga dalka Kenya ayaa waxaa heesta Soomaali badan oon dhalasho ahaan kasoo jeedin dalkaasi, waxaana helitaanka sharcigan lagu bixiyaa lacag badan ,iyadoo loo sii marayo muqalasiin hooshaasi ku xeel dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga bixiyey dayax gacmeed dhulka ku soo dhacaya Maalmaha soo socda

Caydiid Ali

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xog ku aadan Musharaxa ay wadato Dowlada Federaalka iyo Lacag si xeyladeesan lagu geeyay Garawe

admin
Taboola Ads ---