Xog ku aadan Musharaxa ay wadato Dowlada Federaalka iyo Lacag si xeyladeesan lagu geeyay Garawe

Waxaa beri subax lagu wadaa in magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ka dhacdo doorashadii lawada sugayay ee Madaxweynaha Puntland ay ku tartamayaan in ka badan 20-Musharax .

Doorashada ayaa sanadkan ah mid xamaasad gaar ah ayna ku tartamayaan siyaasiyiin caan ah , ganacsato lacag waali ah wadata, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo damac uga jiro in ay noqdaan Madaxweynaha Puntland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in dadaalkeeda ugu badan ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiweli Gaas oo mar kale u sharaxan Madaxweynaha Puntland.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada federaalka ay taageero u fidineyso qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland si uu doorashada uu ugu soo baxo musharax ay wadato ama mid ay wada shaqeyn karaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hada musharax koobaad ee taageereyso ka dhigatay Ganacsade Maxamuud Khaliif Jabaiye oo kamid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo in doorashada ku guuleesto.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in ay taageero hoose siineyso musharaxiin kale si codadka isugu shubaan marka ugu dambeysa si uu doorashada ugu soo baxo ugu yaraan Madaxweyne dowlada la shaqeyn karo.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garawe la geeyay lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar oo laga diray magaalada Muqdisho, lacagtan ayaana la sii marsiiyay Magaalada Hargeysa oo gaari looga sii qaaday.

Lacagtan si farsameesan lagu galiyay magaalada Garawe ayaa la sheegay in loo geeyay Musharax Maxamuud Khaliif Jabiye si uu ololaha ugu adeegsado kuna kasbado codadka Xildhibaanada wax dooranaya.

Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Garawe ayaa sheegaya in lacagta ugu badan ee lagu kasbanayo codka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uu bixinayo musharaxa ay taagereyso dowlada Federaalka ee Jabiye.

Doorashada ugu adag ayaa la filayaa in ay dhax marto Musharaxa dowlada federaalka sida hoose u taageereyso ee  Jabiye,  Gaas oo lacag badan Imaaraadka ka helay iyo Musharax Siciid Dani oo isna la sheegay in dhaqaalo badan heesto.

Waxii warar dheeraad ah ee  kasoo kordha doorashada Puntland kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -