Digniin laga bixiyey dayax gacmeed dhulka ku soo dhacaya Maalmaha soo socda

Dayax gacmeed Shiinuhu hawada u diray ayaa la sheegay in uu ka baxay awoodii maamulka, isla markaana la filayo inuu ku soo dhaco dhulka.

Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo Long March 5B, ayaa miisaankiisu yahay 21 tan, waxaana la sheegay in uu xakamaha goostay, iyadoo la filayo in uu ku soo dhaco dhulka maalinimada Sabtida ee 8-da May.

Dayax Gacmeedkan ayaa 29-kii April waxaa laga ganay saldhiga dayax gacmeedyada laga hago ee Shiinaha ee ku taal Hainan.

Magaalooyinka laga cabsi qabo in uu ku soo dhaco waxaa ka mid ah New York, Madrid, waxaa kale oo laga yaabaa in uu ku soo dhaco  Koonfurta dalka Chile iyo waliba magaalada Wellington ee dalka New Zealand.

Wakaalada Shiinaha u qaabilsan hawada sare ayaa sheegtay in dayac gacmeedkan oo aysan cidna la socon uu lumiyey khadkii controlka markii ay soo wajahday cilad deg deg ah taasoo sababtay in isagoo heehaabaya uu dhulka ku soo laabto.

Cabsida ugu wayni haatan waxay tahay inuu gantaalkani ku habsado magaalo ama meel ay dad badani joogaan, inkastoo aan la ogeyn goorta iyo goobta uu rasmi ahaan ku dhacayo

Bishii Maajo ee sanadkii tegey, ayay ahayd markii uu sidan oo kale usoo dhacay gantaal jawahareersan oo ay Shiinuhu sanceeyeen, kaasoo xilligaa ku dhacay Badwaynta Atlaaniga dhanka Galbeedka Afrika, waxaana firirka laga sheegay ilaa Ivory Coast.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -