Al-shabaab oo laga saaray wado soo gasha Muqdisho & Abaanduulaha XDS oo ka hadlay

Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay iney guulo waaweyn ka soo hoyeen howlgal maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen degmooyin hoostaga Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha hoose kuwaasoo Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay iney muddo dheer kadib kooxda Al-shabaab ka saareen wadada dhinaca xeebta marta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Waxaa uu intaas ku daray in qorshaha taliska ciidanka Xoogga dalka uu yahay in Alshabaab laga xoreeyo dhammaan goobaha ay ka joogaan dalka.

“Howlgalkan maaha mid joogsanaya, wuuna soconayaa inta kooxahan nabadiidka ah laga saarayo dalka oo dhan, ciidamada geesiyaasha ah ee qarankana waxay diyaar u yihiin iney soo afjaraan kooxdan” ayuu yiri abaanduullaha.

Al-shabaab ayaa muddo badan ku sugnaa wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marko oo sidoo kale ay ku yaalaan degaano ay ka mid yihiin jilib Marko, Gendershe, Jasiira iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -