Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay sababta dadka qaar ku kalifta iney garsoor u doontaan Al-shabaab?

Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in qaar ka mid ah shacabka ay cabsi darteed garsoor u doontaan Al-Shabaab.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intaa ku daray in masuuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinkana laga doonayo inuu naftiisa masuul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeraan.

“Al-Shabaab kama ka shaqeeyaan cadaalad, balse shacabka waxay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Baarlamanka federaalka, mucaaradka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay arrintan masuuliyad ka saaran tahay keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab.

“Marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan masuuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido” ayuu intaa ku daray Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Puntland oo eedeymo kulul u jeediyey madaxda dowlada Somalia

Caydiid Ali

Filimka ka Baxsashadii Muqdisho oo laga helay lacag ka badan 26-Milyan oo Dollar 2-bil Gudahood

Cabdi Cade

Dad hor leh oo lix cisho ka dib nolol looga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---