Shir Magaalada Muqdisho uga furmay dowlada Somalia iyo SDRF (Daawo Sawirro)

Waxaa ka furmay Magaalada Muqdisho, Shir u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF, kaasoo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Shirkan oo uu Guddoominayay Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed {Qadar}, ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada , Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Beesha Caalamka .

Shirka waxaa warbixin looga dhageystay Wakiillada matalayay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigtay tubaha Afarta ah ee kala ah siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, arrimaha Bulshada ,dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka.

Markii shirkaasi uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka si gaar ah ugu warramay Wasiirka Cadaaladda XF Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Muhiimada uu dalka u lahaa shirka  iyo qodobbadii ay soo bandhigtay Xukuumadu.

“Shirkaan waa shir Bil-le ah, waxaana Maanta shir Guddoominayay Rai’sul wasaare ku xigeenka dalka waxaa diiradda lagu saaray horumarkii la gaaray Sanadka 2018 ka, waxaan soo bandhignay tubaha Afarta ah ee saldhigga u ah shaqada Xukuumadda, sida tubta amniga iyo cadaaladda tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -