Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Hay’adda Socdaalka Somalia oo xafiis ka furatay gobolka Togdheer (Daawo Sawirro)

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka degmada Buuhoodle.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socdey qeybaha kala duwan ee bulshada degaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xafiiska.

Daahfurka xafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somali oo mudooyinkan la soo baxday dar dar xoog leh ayaa horey xafiisyo iyo xarumo waaweyn uga furtay inta badan gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo Safar deg deg ah ku tagaya Sadex magaalo iyo Ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade

(Daawo) Xasan Shiikh oo arrimo xasaasi ah kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey Villa Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Waddo loogu magacdaray Madaxweyne hore (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---