Allbanaadir.com
NEWS

Jaad si sharci daro ah looga soo gudbiyay Xadka Kenya oo lagu gubay Balad Xaawo (Daawo Sawirro)

Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa lagu gubay Jaad si sharci daro ah looga soo gudbiyay Xuduuda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Xuduuda Degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.

Xuduuda u dhaxeysa Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa shalay iyo maanta aheyd mid xiran, kadib markii uu dhinaca xadka kasoo kordhay muran dhinaca dhulka ah oo labada Degmo u dhaxeeya.

Maamulka Degmada Balad Xaawo ayaa gubay jaad badan oo si sharci daro ah looga soo gudbiyay xuduuda xiran, waxaana jaadkan dhinaca Balad Xaawo soo galiyay Ganacsato Soomaaliyeed.

Jaadka saakay lagu gubay Degmada Balad Xaawo ayaa gaarayay 25-Jawaan, waxaana xirnaashaha xuduuda uu saameyn badan ku yeeshay ganacsigii iyo isku socodkii u dhaxeeyay Degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Imisa tirada Mashaariicda Madaxweyne Farmaajo ka soo dhagax dhigay gobolada?

Caydiid Ali

(Akhriso) War murtiyeed ka soo baxay shir Wasiirada amniga DF & dowlad goboleedyada ugu xirmay Garowe

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Oo La Soo Gebagebeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---