(Daawo Sawirro) Madaxweyne caan ah oo xilal sare u magacaabay dad sanado ka hor geeriyooday

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa dad dhintay u magacaabay xilal guddiyo iyo wakaalado dawladda hoos yimaada.

Magacaabidda dhowr qof uu u magacaabay madaxweynaha hay’ado dawli ah ayey dad badani u arkeen khalad si nacasimo ah uga dhacay Buhari.

Francis Okpozo oo hore Senetor u ahaa, dhintayna Disembar 2016, ayuu magaciisa ka soo muuqday liiska in ka badan 1,400 oo qof oo xukuumaddu xilal u magacwday.

Ku xigeenkii hore ee taliyaha booliska iyo baadari, kuwaasoo labadaba dhintay horraantii sannadkan, ayaa iyagana xilal loo magacaabay.

Dad badan oo reer Nayjeeriya ah ayaa aad ula yaabay in magacyada dad dhintay lagu arko liiska dadka ay xukuumaddu xilalka u magacawday.

Laakin afhayeen u hadlay madaxweyne Buhari ayaa sheegay in liiska la diyaariyey laba sano ka hor, sida muuqatana aan dib u eegis lagu samayn ka hor intii aan la shaacin Jimcihii isagoo intaa ku daray in mowtada liiska ku jirta la beddelayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -