Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo raaf ku bilowday dadka isku jiinsiga ah ee isu galmooda

Booliska Itoobiya ayaa qaaday talaabo ka dhan ah dadka isku jiinsiga ah ee isu galmooda, iyagoo sheegay inay weerareen hotello, baarar iyo goobo kale oo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney heleen xogo ku saabsan in goobahaas ay ku badan yihiin ama ay ku kulmaan dadkaas isku jiinsiga ah.

Hay’adda amniga iyo nabadda oo dowladdu leedahay kana dhisan Addis Ababa, ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto xarumaha ay ka dhacaan falalka noocaas ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa baaiyey war ay ku sheegeen in weerarka ay ku qaadeen hotelo ku yaalla magaaladaas ay ku soo xirxireen qaar badan oo ka mid ah dadkan

Booliska ayaa dadweynaha ka codsaday inay u soo gudbiyaan xogaha la xirriira dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda oo mamnuuc ka ah dalka Itooobiya guud ahaan.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hirshabelle

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan oo wadnaha gooyey dowlada Sweden

Caydiid Ali

Akhriso :Todobada Milkiile Ee Kooxaha Kubbada Cagta Aduunka Ugu Taajirsan +Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---