Allbanaadir.com
NEWS

Sweden oo bixisay ogolaansho cusub oo lagu gubayo mar kale Kitaabka Quraanka

Dowlada Sweden ayaa mar kale ogolaansho cusub siisay Silwan Najm kaasoo ah banaanbax ka dhacaya bartamaha Stockhom oo lagu gubayo kitaabka Quraanka

Silwan Najm ayaa ah Haweeney u dhaxda Silwan Momica oo horay dhowr jeer Quraanka ugu gubay caasimada Stockholm, waxaana ka dhashay caro xooggan oo dunida muslimka ay muujisay.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta gudaha Dalka Sweden Silwan Najm oo heshay ogolaanshaha cusub ayaana la cadeynin waqtiga ay qabaneyso isku soo baxa.

Silwan Momica ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq waxaana uu deganaansho ka heystaa dalka Sweden isagoo bilihii u danbeeyay sameeyay falal kala duwan kaasoo dunida islaamka ka abuuray falcelin iyo caro xoogan.

Sweden ayaa dhowr jeer ka hadashey falalka lagu gubayo Quraanka inkastoo ilaa hadda aysan qaadin talaabo lagu joojinayo falalkan oo xumeeyey xiriirka dalalka Islaamka iyo Sweden.

Related posts

Rooble oo ku wareeray khilaafka aan dhamaadka laheyn ee Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Caydiid Ali

Guddoomiye Baarliin Xaaji Buulle oo lagu dilay qarax loogu aasay hoygeeda afaafkiisa

Caydiid Ali

Muxuu RW Khayre ku soo arkay Isbitaalka Xoogga dalka oo uu xalay booqday?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---