Akhriso :Todobada Milkiile Ee Kooxaha Kubbada Cagta Aduunka Ugu Taajirsan +Sawirro

Maal qabeeno badan oo aduunka ah ayaa aaminay maal gashiga layaabka leh ee ay kubbada cagtu yeelatay waxaana jira ragg badan oo bilyaneero ah oo lacago waali ah ku maal galiyay kooxo kubbada cagta ah, laakiin haddana waxaa jira heer qiimayn oo lagu kala saaro hantida shaqsiga ah ee uu qof ku maal galiyo koox iyo waliba maal galinta ku lug lug wadamo taas oo ay majalada qiimaynta dhaqaale samaysa ee Forbes xisaabta ku darsato.

Haddaba waa kuwee todobada mulkiile kooxeed ee kubbada cagta ugu taajirsani?. Majalada Forbes oo aduunka oo dhan laga ixtiraamo isla markaana warbixinada ay soo saarto ay daabacaan wargaysyada aduunka ugu caansani ayaa shaacisay todobada shaqsi ee mulkiyada kooxo kubbada cagta ah maal galiyay ee ugu hantida badan.

 

Florentino Perez, Nasser Khalifah iyo  Stan Kroenke ayaa sababo gaar ah ayna Forbes ugu soo darin liiska todobadan shaqsi balse halkan kaga bogo liiska todobada mulkiile kubbada cagta ee ugu hantida badan iyo midkastaaba inta uu hayso.

7 Roman Abramovich – $11.4 bilyan dollar (Chelsea)

Hantida mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayay Forbes ku qiimaysay 11.4 bilyan dollar waana qofka 140 aad ee aduunka oo dhan ugu hantida badan. Waxa uu Chelsea la wareegay 2003 isaga oo ku sameeyay maal galin layaableh balse dhawaan waxaa soo baxay in uu iska iibin karo.

#6 Philip Anschutz – $12.4 bilyan dollar(LA Galaxy)

Mulkiilaha kooxda LA Galaxy ee Philip Anschutz ayaa hantidiisa waqti xaadirkan lagu qiimeeyay 12.4 bilyan dollar sida warbixinta Forbes lagu xusay wuxuuna noqday shaqsiga 108 aad ee aduunka oo dhan ugu hantida badan.

#5 Lakshmi Mittal – $17.8 bilyan dollar (Queens Park Rangers)

Mulkiilaha kooxda QPR ee heerka labaad ee horyaalka England ee Lakshmi Mittal ayaa noqday shaqsiga shanaad ee kooxaha kubbada cagta ugu hantida badan waxayna Forbes hantiisa ku qisaastay 17.8 bilyan dollar.

#4 Paul Allen – $20.3 bilyan dollar (Seattle Sounders)

 

Mulkiilaha kooxda Seatlle Sounders ee Paul Allen ayaa noqday mulkiilaha afraad ee koox kubbada cagta ah haysta ee ugu hantida badan iyada oo Forbes hantidiisa ku qiimaysay 20.3 bilyan dollar wuxuuna kaalinta 44 aad kaga jiraa aduunka oo dhan.

#3 Francois Pinault – $32.8 billion (Rennes)

Mulkiilaha kooxda Rennes ee Francois Pinault ayaa sanadkii 1998 kii la wareegay kooxda ree France ee Rennes tan iyo markaasna waxa uu haystay mulkiyada kooxda wuxuuna noqday shaqsiga saddexaad ee kubbada cagta aduunka ugu hantida badan waxayna Forbes hantidiisa ku qiimaysay 32.8 bilyan dollar.

#2 Carlos Slim – $66.6 billion (Club Pachuca, Club Leon, Real Oviedo)

Carlos Slim ayaa noqday shaqsiga labaad ee guud ahaan kubbada cagta ugu hantida badan laakiin inkasta oo aanu hal koox si gaar ah u lahayn waxa uu saamiyo ku leeyahay kooxaha Club Pachuca, Club Leon iyo Real Oviedo waxayna Forbes hantiida ku qiyaastay 66.2 bilyan dollar waana shaqsiga 7 aad ee aduunka ugu taajirsan.

#1 Amancio Ortega – $68.3 billion (Depotivo La Coruna)

Mulkiilaha koox kubbada cagta ah ee ugu taajirsan ama ugu hantida badan waxa uu noqday mulkiilaha kooxda Depotivo La Coruna ee  Amancio Ortega kaas oo hantidiisa lagu qiyasay 68.3 bilyan dollar waana shaqsiga 6 aad ee aduunka oo dhan ugu hantida badan.

Amancio Ortega ayaa ku nool magaalada ay kooxdiisu ka dhisan tahay ee dalka Spain waxaana lagu xusuustii arintii qariibka ahayd ee uu sameeyay markii ay arooska ahayd inan/gabadh uu dhalay isaga oo go’aan ku gaadhay in uu dib u dhigo xafladii arooska inantiisa ama gabadhiisa si uu u daawado kulan ay kooxdiisa Deportivo La Coruna la ciyaaraysay Barcelona B.

W/Q Mohamed Batalaale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -