Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hirshabelle

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka dhacay qarax ismiidaamin ah uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee kutaalla magaalada Jowhar , waxaana aaga qaraxa ka dhacay ku dhaw hoteelo ay degan yihiin masuuliyiin iyo dad shacab ah.

Masuul katirsan maamulka Hirshabelle ayaa warbaahinta u sheegay in qofka isku soo xiray jaakada waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen ay ka shakiyeen ciidamada kuna dhufteen rasaas markii uu diiday in uu istaago.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay ninkii waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen, waxaana qaraxa ku dhaawacmay afar qof oo labo kamid ah ahaayeen askartii koontaroolka joogtay iyo labo qof oo kale oo shacab ah.

Qaraxan ka dhacay magaalada Jowhar ayaa imaanaya xilli wali magaaladaasi ka muuqato saameynta qarax ismiidaamin ah oo isbuucyo kahor lagu weeraray Hoteel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -