Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoo kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Halis aan laga warqabin oo ka soo shaac baxday Isbitaalada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali

Taliska ciidanka Asluubta oo War ka soo saaray Weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe

Caydiid Ali

Israel oo safaarad ka furanaysa caasimada Waddan Muslim ah oo 20km u jirta Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---