Shaqaale ka tirsan Madaxtooyada oo loo xiray soo bandhigidda Muuqaal Cara Badan Ka dhalatay

Waxaa xalay baraha bulshada lagu arkay muuqaal ay duubtay kaamiradda Qarsoon ee madaxtooyada taas oo muujineysa bahdilaad xad dhaaf ah oo nin lagu magacaabo Qaamuus oo ay qaraaba yihiin madaxqweynaha dalka uu kula kacayay ciidamada ka shaqeeya bar hubineed oo ku taalla gudaha madaxtooyada.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in muuqaalka ay kaamiraddu duubtay ee uu kasoo muuqdo qaamuus oo ka tirsan Baratoolka madaxweynaha, in la gaarsiiyay madaxweynaha, kadibna waxa ugu weyn ee dooda laga keenay ay noqotay cidda muuqaalkaan bannaanka keentay.

Doodda kadib ayaa iyada oo aan la is weydiin waxa ku qasbay Qaamuus inuu u hogaamsami waayo amarrada amniga, ayaa amar lagu bixiyay in tilaaba sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo ay suuragal tahay inay ku lug laheyd baahinta muuqaalka, waxaana la xiray afar ruux oo ay ku jiraan ciidamada barta hubinta inkasta oo aan la xaqiijin inay ku jiraan kuwii Qaamuus uu xad gudubka kula kacay.

Inkasta oo xilliyadii hore madaxweyne Farmaajo lagu xaman jiray inuusan xigaalo iyo qabiilo si gaar ah u qadarin, hadana dadka sida aad ah ula socda arrinta shalay dhacday ayaa sheegaya in sababta qofkii mudnaa in tillaabada laga qaado uu howshiisa sida caadiga ah ugu wato, dad kalana loo xirayo ay tahay arrin la xariirta xigtanimo.

Dhamaadkii bishii July ee sanadkaan ayaa taliyaal ciidan oo kasoo jeeda beesha Madaxweynaha oo fulinaya amarka Xoghayihii KMG ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay isku jufa ahaayeen waxay si xoog ah kula wareegeen gaari uu lahaa Yaxye Cali Hareeri inkasta oo goor dambe gaarigii lasoo celiyay, arrintaas oo sii xoojisay warar la isla dhex marayay oo ahaa in madaxtooyada waayihii dambe ay ka bilaabay xaal qaraabeyn.

- Advertisement -