Madaxweyne Erdogan oo muddo ka dib soo hadal qaaday xaalada Soomaaliya

Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay magaalada New York kula kulmay xubno ka socday muslimiinta Mareykanka.

Erdogan ayaa Mareykanka u yimid ka qeybgalka shirka 73-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Khudbad uu jeediyay xalay markii uu Muslimiinta kula kulmay New York ayuu ku soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, qaxootiga Syria, la dagaalanka ISIS, iyo aayaha magaalada Qudus oo uu sheegay inuu difaaci doono.

Mar uu ka hadlayey xaalada Somalia ayuu sheegay in dalkiisu u gurmaday xili dhibaato xoog leh ay ka jirtay ayna weli garab taagan yihiin.

“Soomaalidu waa dad jecel iney wax qabsadaan, balse dhibaatooyin badan ayaa jira, Turkigu gurmad weyn ayey gaarsiiyeen xili dhibaato badan ay jirtay, welina Soomaalida waan garab taaganahay” ayuu yiri Erdogan.

Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Muqdisho booqday labo jeer bxili xaaladu amaanku ay aad u adag tahay. Wuxuuna Soomaalida u muujiyey isgarab taag uu quluubtooda ku kasbaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -