Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ururada Siyaasadda Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay qaar kamid ah ururada siyaasadda ee waddanka.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda.

Waxaa sidoo kale oo laga wada hadlay kulanka sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinka xisbiyada iyo mida madaxweynaha ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan .

Kulan madaxweyne Muuse Biixi la qaatay qaar kamid ah ururada siyaasadda ayaa waxaa ka maqnaa madaxda xisbiyada Waddani iyo UCID ,kuwaa oo horey u diidanaa habka doorashada loo maamulayo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo deg deg looga saaray hool uu Shir-weyne ka furi lahaa …

Cabdi Cade

Bangiyada Soomaaliya oo lagu amray in ay xiraan dhamaan Accounada FOREX (Akhriso)

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa heshiiska ay Jubbaland la gashay Shirkadda Alpha Logistics? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---