Allbanaadir.com
NEWS

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo qarax haleelay iyo khasaaro badan oo ka dhashay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax nuuca miinada ah uu haleelay gaari caasi ah ay la socdeen dad shacab ah, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay waddo xariirisa degmooyinka Qoryooley iyo Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna qaraxa haleelay dad shacab oo xilligaasi gaariga la socday.

Inta la xaqiijiyay qaraxan miino waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 12-qof oo kale ,kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab qaraxan shacabka lagu laayay, waxa uuna xusay in Al Shabaab kusoo hareen markan dhibaateynta shacabka.

Qaraxyo miino oo marar badan ka dhacay waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan, waxaana jidad badan dadka shacabka ku adkaatay maristooda iyaga oo ka cabsi qaba qaraxyo miino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo si cad uga horyimid dowlada Somalia, lana saftay Imaaraadka

Caydiid Ali

Sawirro: Mareykanka qorshe Cajiib ah u degay Taalibaan ugana tagay Diyaarado iyo Baabuur aan…

Cabdi Cade

Fiqi oo ka hadlay sababta hakisay Wadahadalkii Somalia & Itoobiya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---