Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Maxaabiis ku xiran xabsiyo kuyaala Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.
Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu sheegay in maxaabiistan loo cafiyay fadliga bisha Ramadaan owgeed iyo sidoo kale xaalada caafimaad daro uu abuuray cudurka Covid-19.
Halkan ka Akhriso Wareegtada cafiska Madaxweyne Deni
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad
 
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.
 
Wuxuu xeeriyey:
 
1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.
 
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -