Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay iyo Xog ku aadan Sabbata Is-casilaadiisa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in uu is casilay agaasimihii xarunta madaxtooyada Soomaaliya Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud , oo xilkan hayay muddo sannad iyo bilooyin ah  .

Sida aan xogta ku helnay agaasimaha ayaa warqada is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana is-casilaadan ku timid arrin shaqsi ah oo ka timid agaasimaha sida aan wararka ku helnay.

Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah saaxiibada aadka ugu dhaw madaxweynaha dalka ayaa is-casilaadiisa la tilmaamay in ay ku timid sababo la xariira in uu damac uga jiro loona rabo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasigan oo horey usoo noqday Senator ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii madaxweyne Laftagreen albaabada ka xirtay una diiday in ay tartamaan doorashadii Baydhabo, waxaana ninkan loo badinayaa in uu noqdo madaxweynaha soo socda ee Koonfur Galbeed.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in kooxda Damul Jadiid u sharaxdo Dr Xuseen Sheekh Maxamuud oo kaalin weyn ku lahaa dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -