Dagaalo ka dhacay duleedka degmada Afgooye & Al-Shabaab oo war ka soo saartay

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa ka dhacay saaka degaanada Sabiid & Caanoole oo 8km u jira degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay saaka aroortii hore weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanada Sabiid & Caanoole.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Dadka degaanka Sabiid & Caanoole ayaa sheegay inay weli maqlayaan rasaas goos goos ah, sidoo kale ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxay ku sheegeen inay la wareegeen degaanka Sabiid hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo xajiinaya, sidoo kale ciidamada dowlada ayaan arrintan faahfaahin ka bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -