Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Madaxweyne Biixi iyo wafdigii uu horkacayey oo gaaray dalka Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ka koobnaa wasiirada iyo ganacsatada ayaa gaaray dalka maraykanka.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas ku soo dhaweeyey Jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka iyo masuuliyiin kala ah wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb.  Bashiir Good.

Waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa loo galbiyey Hotelkii loogu talogalay inay ka degaan Washington, waxaana soo dhawaynta ka dib safarka Madaxweynaha Warbaahinta uga waramay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Bashiir Good oo ugu horayn u mahadnaqay cidkasta oo ka qayb-qaataday soo dhawaynta weftiga madaxweynaha qaranka Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=UuEC3vd-XYc

Related posts

Dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray laba kacleynta Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Maxaad ka taqaan Xildhibaanka ugu Aqoonta badan Baarlamaanka cusub ee Galmuug ?(Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---