Militariga qabsaday Niger oo ka jawaabay digniin kaga timid urur goboleedka ECOWAS

Hogaamiyaha cusub ee Niger ayaa sheegay in militariga uusan u hogaansami doonin cadaadiska lagu doonayo inuu dib ugu soo celiyo xukunka madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas Mohamed Bazoum.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ururka Galbeedka Afrika ECOWAS uu ku hanjabay inay faragelin doonaan Niger kadib afgambigii todobaadkii hore.

Urur goboleedka ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogay dalka Niger, waxayna sheegeen inay awood adeegsan doonana haddii ay hogaamiyayaasha afgambiga ku soo celin waayaan madaxtooyada Madaxweyne Bazoum todobaad gudihiis laga bilaabo Axadii ina dhaaftay.

Ururka ayaa sidoo kale wafdi u diray Niger Arbacadii si ay ula xaajoodaan saraakiisha militariga ee xukunka la wareegay, iyagoo rajeynaya in la helo xal diblomaasiyadeed ka hor intaysan go’aansanin inay soo farageliyaan iyo in kale.

Hogaamiyaha milateriga Niger Abdourahamane Tiani oo khudbad ka jeediyay talefishinka ayaa sheegay in ciidamada milatariga ay gabi ahaanba diidan yihiin faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Niger.

ECOWAS waxay wacad ku martay in afgambiga aan loo dulqaadan doonin ka dib markii ay militariga la wareegeen wadamada xubnaha ka ah Mali, Burkina Faso iyo Guinea iyo isku daygii afgambi ee Guinea-Bissau labadii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada militarigu waa ikhtiyaarka ugu dambeeya ee miiska saaran, waa xalka ugu dambeeya, laakiin waa inaan u diyaargarownaa dhacdada,” ayuu yiri Abdel-Fatau Musah, Guddoomiyaha ECOWAS ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.

“Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin oo keliya balse aan qaniini karno,” ayuu u sheegay warfidiyeenka horraantii Arbacadii, iyadoo madaxda difaaca gobolka ay shir laba maalmood ah ka bilaabeen caasimadda Nigeria Abuja.

Tiani, oo ahaa madaxii hore ee ilaalada madaxtooyada Bazoum, ayaa Bazoum ka xiray qasrigiisa Arbacadii lasoo dhaafay, isagoo markii dambe ku dhawaaqay inuu yahay madaxa gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -