Booliska Sweden oo go’aan ka gaaray codsiyo Quraan gubis ah oo loo gudbiyey

Booliska Sweden ayaa go’aan ka gaaray codsiyo dhowr ah oo cusub oo ku saabsan in la gubo kutubta barakeysan oo uu ka mid yahay qur’aanka kariimka ah.

Ninka Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Silwan Momica ayaa gudbiyey saddex codsi oo ku saabsan inuu Qur’aanka ku gubo afaafka hore ee safaaradda Iran ee Stockholm, afaafka hore ee Masjidka Fes ee koonfurta Stockholm iyo bartamaha caasimadda.

Booliiska ayaa ku dhawaaqay in Momica laga diiday seddexdii codsi.

Sweden ayaa sheegtay dalabyo noocan oo kale ah oo la ogolaaday ay horey ugu horseedeen cawaaqib xumo siyaasadeed, khataro amni iyo mid argagixiso oo Sweden soo food saartay.

Ku dhawaaqista warkan ayaa ku soo beegmaysa shir jaraa’id oo ay qabteen ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf iyo Wasiirka arrimaha gudaha Gunnar Strömer oo ay kaga hadleen arrinta ku saabsan gubashada qur’aanka kariimka

- Advertisement -