Ukraine oo Guulo cusub ka sheegatay dagaalka & Wararkii u dambeeyey (Sawirro)

Ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday ku dhawaad 15 km oo isku wareeg ah (5.8 square miles) oo dhul ah ciidamada Ruushka ee ku sugnaa bariga iyo koonfurta dalkaas todobaadkii la soo dhaafay, intii lagu guda jiray duulaankooda rogaal celiska ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca.

Ciidamada Kyiv ayaa hadda dib u qabsaday masaafo dhan 204.7 km oo ku taal koonfurta tan iyo markii ay bilaabeen duulaanka ka dhanka ah ciidamada Ruushka horaantii bishii hore, wasiir ku xigeenka difaaca Hanna Maliar ayaa ku sheegtay app-ka fariimaha ee Telegram-ka.

Saraakiisha Ukraine ayaa soo sheegay in uu si gaabis ah, horumar joogto ah uga gaareen weerarka is-daba-joogga ah, iyagoo dib u qabsaday tuulooyin badan, isla markaana ay ku sii siqayaan geesaha magaalada bari ee Bakhmut, oo ay ciidamada Ruushka qabsadeen bishii May ka dib dagaallo socday muddo bilo ah.

Toddobaadkii hore Kyiv ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay dib u xoreeyeen tuulada Staromaiorske ee koonfur bari olole ujeedkiisu ahaa in la gooyo buundada dhulka ee Ruushka ee bari ilaa koonfurta iyo jasiiradda la haysto ee Crimea oo ku taal badda madow.

Ruushka oo duullaankiisa buuxa bilaabay bishii February ee sannadkii 2022-kii, waxa uu haystaa dhul aad u ballaaran, waxaana uu samaystay isku-xirka dhufaysyada iyo miinooyinka si ay ugu adkaato ciidammada Ukraine inay hore u sii socdaan.

Maliar ayaa sheegay in ciidamada Kyiv ay dib ula wareegeen 2 km oo isku wareeg ah usbuucii la soo dhaafay dhanka hore ee Bakhmut, taasoo ka dhigeysa guud ahaan dhulkii dib looga qabsaday halkaasi 37 km oo isku wareeg ah tan iyo markii uu bilowday weerarka.

Dhanka koonfureed oo ay ciidamada Ukraine isku dayayaan inay u dhaqaaqaan dhanka magaalooyinka Berdyansk iyo Melitopol, waxay sheegtay in ciidamada Kyiv ay dib u qabsadeen 12.6 km² todobaadkii u dambeeyay.

Kremlin-ka ayaa Isniintii sheegay in weerarka ka dhanka ah Ukraine “uusan u shaqeyn sidii la qorsheeyay” iyo in agabkii NATO ee la siiyay Kyiv “la khasaaray”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -