Wasiir Cadaalla oo xog cusub ka bixiyey howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Cadaalla” oo ka qeybgalayay Barnaamij dood ah oo ka baxaya Twitter Space-ka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka al-shabaab iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guulo waaweyn ka soo hoyeen howlgallada socda, al-shabaabna looga dilay tiro aad u fara badan oo isugu jira saraakiil iyo askar.

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in howlgaladii todobaadyadii ugu dambeysay ciidamada fuliyeen ay ahàayeen kuwa lagu bur-burinayay saanad ciidan iyo goobaha ay al-shabaab ka dhigtaan gabaadka, guulona laga gaaray. isagoo xusay in la cagta la mariyey Gaadiid iyo qalab fara badan.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala

Waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howlgalka wajiga koowaad, isla marakan todobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howlgallo kale oo ka dhan ah al-shabaab, isagoo sheegay in la burburiyay isbaarooyin ay kooxdaas lacaga baad ah kaga qaadayeen oo yiilay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -