Allbanaadir.com
NEWS

Janan oo isku dhiibay Mucaaradka Farmaajo kadib markii looga baxay balamo lala galay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin oo ah ninka gacanta ku hayay malafka Janan iyo heshiiskii lala galay.

Villa Soomaaliya iyo taliska Nabad sugida ayaa lagu soo waramayaa in ay balamo ay horey ula galeen qeybna ka ahaa heshiiskii uu uga soo goostay Jubbaland uga baxeen taasina ay hada keentay khilaafka labada dhinac soo kala dhax galay.

Cabdirashiid Janan ayaa isaga guuray guri ku dhaw xarunta Hay’adda Nabad sugida halkaas ay ilaalinayeen ciidamada NISA, waxaana la sheegay Janan in hada joogo guri uu Muqdisho ka degan yahay mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Khilaafkan banaanka usoo baxay ayaa yimid kadib markii Fahad Yaasiin kahor istaagay in kursi Xildhibaanimo u doonto magaalada Garbahaarey, waxaana la sheegay in heshiiskii Janan lala galay qeyb ka aheyd in Xildhibaan laga dhigo.

Siyaasigan oo ahaa ninka ugu awooda badnaa gobolka Gedo ayaa kasoo goostay maamulka Jubbaland uu wasiir ka ahaa isagoona isku dhiibay dowlada, waxaana hada mar kale laga cabsi qabaa in dowlada dagaal kala hor yimaado.

Ciidamada taabacsan Cabdirashiid Janan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan kawaday degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxa ayna xiisadan kusoo aadeysaa xili dhawaan la filayo dalka Doorasho ka bilaabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas oo maanta boorsooyinkiisa ka qaatay Garawe

Cabdi Cade

Rooble oo Dhexda u Gallay Dabaakh Diblomaasiyadeedka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuru!

Cabdi Cade

Nin Magangelyo-doon ah oo dalkiisa kasoo baxsaday oo dabaashay masaafo 20 KM !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---